Jaceylku waa waxa ugu Quruxda badan ee la heysto, waana waxa ugu Adag ee la Kasbado iyo waxa ugu Xanuunka badan ee la waayo.
Xushmad la’aan Jaceylku wuu lumaa. Daryeel la’aan Jaceylku ma Naaxo. Kalsooni la’aan Jaceylku ma waaro.
Qofka dhabta kuu jecel wuxuu kaa ilaaliyaa inuu Qalad kaa galo, wuxuu ku Farxaa wixi adiga ku Farxad geliya, wuxuu Wehel kaaga dhigaa Qalbigiisa.
Intaadan Qofka jeclaan marka hore Fiiri inuu Nafsadiisa jecel yahay, misana Fiiri sida uu ku yahay ku Dhaqanka Diinta, maku fiican yahay Cibaadada Rabbi.
Haddii Qof aad is jecleedeen kaa taago, ha Murugoon, hana Welwelin, ee noqo Qof ku Kalsoon Naftiisa, Qalbigana u sheeg iney jiraan Boqolaal Qof oo ka Wanaagsan.
Ha u Bedelin Midabkaaga iyo Naftaada si Qofku kuu jeclaado, ahoow Qof ku Kalsoon ama ku Faraxsan Abuurta Eebe.
Dadka sida dhabta ah isku jecel si Fudud kuma kala tagaan, xataa haddey jirto Dhowr sabab oo ay ku kala tegi karaan, Xaqiiqda ma waayaan dariiq ay ku Xalistaan Qaladkooda.
true
ReplyDelete