Daqiiqad walba oo aad ku lumisay asxaab aan wanaagsaneyn waad ka shalaayi doontaa, dooqo oo sameyso asxaab wanaagsan si aadan uga qoomameyn berito.
🍁
Haddaa ogtahay in asxaabtaada aad adiga ka fiicantahay dhan waliba, iska bedel oo la saaxiib kuwo aad isku leval tihiin ama kaa sareeya si aad wax badan uga faa'iido.
🍁
Nolosha asalkeeda waa inaa ahaataa mid faraxsan oo qancsan, lkn haddii aad murugeysantahay ogow wali ma aadan fahmin nolosha.
🍁
Maadaama aad soo kacday saakay oo heshay maalin cusub micnaheedu waa Alle in uu wali doonayo inaa kheyr sameyso oo usoo laabato xagiisa.
🍁
Ku daal hormarinta nafsaddaad, kadib ayaad raaxo heli doontaa.
🍁
Yeelo asxaab ku dhiiragelisa si aadan uga daalin xaqiijinta hadafkaaga.
🍁
Dhageyso dadka waxay ku dhahayaan, kan waxa wanaagsan sheegayo ka qaado, kan waxaan jirin ka hadlayana ka sii jeeso.
🍁
Marka aad wayso cid ku garab istaagta xasuuso rabbigaa oo weydiiso gargaar.
🍁
Dadka malo wanaagsan ka maley ( wax wanaagsan ku fikir markaa isweydiiso waxay ku fikirayaan) dhanka wanaagsan uun ka eeg, si naftaada aysan ugu mashquulin dadka oo aad uga nasato.
🍁
Si walboo u weynaato, si walboo shahaadooyinkaaga u bataan, haka daalin inaa hormariso nafsaddaada, shahaadooyinka waa waraaqad ku saacidaya marar kooban lkn kuuma kordhinayaan cilmi cusub.
🍁
Dadka guusha gaara waa kuwa ilaawa wixii tagay, iska ilow wax walba oo tagay ee ku dadaal sidii aad mustaqbalka u gaari laheyd meel ka wanaagsan meesha aad joogto.
🍁
Si aad noloshaada ugu guuleysato waxaa u baahantahay inaa Allaah ku kalsoonaato oo aad aaminsanaato, naftaadanakuna kalsoonaato, kana fogaato dadka cuqdadda badan iyo kuwa neceb guushaada.
waxaan rajeynayaa inaa ka faa'iideen.⚘⚘⚘
♥️♥️♥️♥️♥️♥️♥️♥️♥️♥️♥️♥️
z
ReplyDelete