Markaa subixi soo kacdo, cab koob biyo ah oo lagu daray qaaddo malab ah, waayo wuxuu ku siinayaa firfircooni wuxuu hagaajiyaa hab wareega dhiiga, wuxuuna yareeyaa walwalka.
๐
Duko salaadsa subax, adkaarta subaxiina akhriso, juzkaaga qur'aanka ahna haka tagin.
๐ท
Samee 30 daqiiqo jimicsi, haddaa dooneyso inaa dhisto jirkaaga.
๐
Ku qabeyso biyo qabow, waayo waxay ka hortagaan laalaabka maqaarka, waxayna ku siiyaan nasiino.
๐
U quraaco si fiican, dibna ha u dhigin xiliga quraacda.
๐ท
Cun mooska iyo tufaaxa, wayo waxay qooyaan jirka.
๐
Soo qabso buug xasuus qor ah oo ku qoro wax walboo ku fikireyso, iyo riyo walboo dooneyso inaa rumeyso.
๐ท
Nadaafadda qolkaaga iyo siduu u habeysanyahay, waxay ka tarjumeysaa shakhsiyaddaada sida ay tahay.
๐
La saaxiib buugaagta oo ka dhigo saaxiib run ah, wax lala saaxiibo iyagaa ugu fiican, in ay kor kuu qaadaan ma ahane hoos kuuma dhigi doonaan.
๐ท
Haka daalin inaa wax barato xataa haddaa waayeel noqoto, waayo adduunyada meesheeda ma joogeyso maalin walba wax cusub ayaa kusoo kordha.
๐
Uma baahnid in lagu dhaho waad qurux badantahay iyo waa shidantahay, haddaa isku qanacsantahay dadkoo dhan adaa ugu qurxan.
๐ท
Mar marka qaar cun cuntooyinka iyo cabitaanada aad jeceshahay oo aad ku farxeyso markaa aragto ๐ sida jibsiga iyo shukulaatada, maangaha iyo furulaatada ๐จ.
๐
Vitamin A waa vitaminka quruxda, haddduu jirka ku yaraadana waxaa dhacda in jirku noqdo mid qalalan, cidiyahana(cijiyaha) noqdaan kuwo jajaba oo aan awood laheyn, timahana waxay noqodaan kuwo daadata oo aan laheyn qurux.
Waxaa laga helaa:
(Kaarootada, Kamsarta, Oranjada, Caanaha iyo beerka).
๐ท
Isbuuci laba mar isku day inaa cunto kaluun(Malaay).
๐
Cab biyo badan maalin walba, waayo waxay kaa fogeynayaan qaleelka jirka waxayna ilaaliyaan kilyaha, sidoo kalana ka dhigaan maqaarkaaga mid nadiif ah.
๐ท
Hurud in kugu filan habeen walba, waayo hurdada yar waxey qalqal gelisaa hormoonada jirka uu soo daayo waxayna jirkaaga ka dhigtaa mid daciif ah.
๐
Dhoola cadee oo faraxsanaw, wayo farxadda wajiga ayey qurxisaa.
๐ท
Marso kareemo kaa celinaya jacjaca iyo dabeysha, oo ilaalinaya jileeca jirkaaga.
๐
Qolofka mooska qeybtiisa jilicsan waxay wajiga ka saartaa madmadowga, waxayna ilkaha ka dhigtaa kuwo cad cad haddii la mariso.
๐ท
Marso lugaha vaseline ama karesaliin oo gasho iskaalsho(sigsaan) kana ilaali jeexjeexa.
๐
Ka fikir naftaada iyo caafimaadkaaga waayo naftaada iyo caafimaadkaaga waa waxa u qaalisan ee aad haysato mas'uuliyad ayaana kaa saaran
๐๐ข๐ฅ๐๐๐๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐๐'๐ข๐๐ข๐ง๐๐ฒ๐ ๐ช๐ฎ๐ซ๐ฎ๐ฑ๐๐๐๐๐ ๐ช๐ฎ๐ซ๐ฎ๐ฑ.
1. Ku dadaal quruxda suniyahaaga oo kor kor u shanlee waayo suniyaha waa meelaha ugu horeeya ee dadka hortaada taagan indhahooda ay ku dhacaan.
๐ผ๐ฟ
2. Qurxi oo muuji muuqaalka indhahaaga oo baalasha indhaha kor kor u shanlee adigoo isticmaalaya baaltaag ama maskaara, sidoo kale marso Eyeliner(Xariiqa isha la dul mariyo) si uu u soo saaro quruxdooda, oo ka ilaali indhahaaga dhafarka waayo wuxuu sababaa madmadowga indhaha hoostooda ah.
๐ผ๐ฟ
3. Ilkahaaga ha noqdaano kuwo cadcad oo nadiif ah, waayo ayagana waxay ku jiraan meelaha ay ishu qabato oo laga fahmo dadnimadaada.
๐ผ๐ฟ
4. Cab biyo badan oo cun khudaar badan si wajigaaga uu u noqdo mid caafimaad qaba oo ifaya.
๐ผ๐ฟ
5. Isticmaal kareemada qoraxda ka celiya wajiga xeliyada aa aadeyso guriga meel ka baxsan.
๐ผ๐ฟ
6. Xero dhar midabo qurxoon leh(midabada farxadda iyo kalsoonida ee ifaya sida buluga cirka u eg, cadaanka, basaliga, oranjiga iyo jaalaha) iyo kalaro ku haboon midabkaaga si ay kuu dareensiiyaan kalsooni iyo farxad oo dharkaaga badankii haka dhigin midabka madowga oo kaliya.
๐ผ๐ฟ
7. Noqo mid ku qanacsan quruxdeeda oo mar walba dhoola cadeysa oo mar walba dhahda al xamdu lillaah.